Golaha Wasiirrada Somaliland ayaa ku dhawaaqday joojinta dhammaan wadahadalada ay kula jirtay Dowladda Federaalka Soomaaliya, Go’aankan ayaa lagu dhawaaqay kadib Shirka Golaha Wasiirrada Somaliland ee qabsoomay 16ka Abriil, 2025.
Somaliland waxay sheegtay in Dowladda Soomaaliya ay si cad uga baxday dariiqii nabad-ku-wada-noolaanshaha iyo wada-hadalka, iyada oo imaatinkii RaysulWasaaraha Soomaaliya ee Laascaanood uu yahay xad-gudub bareer ah oo ka dhan ah madax-bannaanida dhuleed ee Somaliland.
“Maadaama ay Dowladda Soomaaliya si joogto ah ugu kacday xad-gudubyo ka dhan ah Jamhuuriyadda Somaliland iyo mabaadi’dii wada-hadalladii hore u dhexmaray labada dal, Golaha Wasiirradu ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay go’aamiyeen in laga baxo wada-hadaladii lagu jiray Soomaaliya, laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay Abriil 16, 2025,” ayaa lagu yiri bayaanka Golaha Wasiirrada.



