Hargeysa (Dawan)- Somaliland ayaa ka digtay in Turkigu u soo diro maraakiibtiisa dagaal xeebaha Soomaaliya gaar ahaan qeybaha hoos taga maamulka Somaliland, waxeyna caddeysay in heshiiska militariga iyo iskaashiga dhaqaale ee Turkiga iyo Soomaaliya uusan khusayn Somaliland.
Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Ciise Keyd Maxamuud, ayaa yiri “ Turkiga waan u sheegnay in aanay xeebaha Somaliland soo gali karin, waana ogyahay in Somaliland xeebaheeda u taliso"

Wasiirka ayaa intaas raaciyay in Somaliland ay heshiis dhanka badda ah la gashay dowladda Itoobiya kaas oo ah mid ay dan ugu jirto labada dhinac, wuxuuna ku eedeyay dowladda Soomaaliya iyo madaxdooda in ay fara gelin qaawan ku hayan arrimaha gudaha ee Somaliland.
Dhawaan ayay ahayd markii Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Turkiga uu soo aaray Dekadda Muqdisho, kaas oo qeyb ka ahaa fulinta heshiiskii ay kala saxiixdeen labada dal ee ku saabsanaa ilaalinta amniga iyo xasiloonida xeebaha Soomaaliya iyo iskaashga dhanka difaaca.
Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa kala saxiixday heshiis toban sano ah oo dhanka difaaca iyo dhaqaalaha ah, kaas oo o ay dowladda Turkidu ku ilaalineyso badda Soomaaliya kuna dhiseyso ciidan dhanka badda ah oo awood u leh in ay ilaaliyaan xeebaha dalka.





