Hargeysa – Somaliland ayaa sheegtay in Dowladda Federaalka Soomaaliya si buuxda mas'uul uga noqon doonto wixii xasillooni darro ah ee ka dhasha booqashada uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ku tagayo magaalada Laascaanood.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somaliland ayaa lagu tilmaamay booqashada Ra’iisul Wasaaraha “mid sii hurinaysa xiisadda gobolka,” iyadoo lagu sheegay inay wiiqayso dadaallada nabadda iyo wada-hadallada.
Somaliland waxay ku adkaysatay in booqashadan ay abuuri karto xaalado amni darro iyo kororka khataraha bani’aadantinimo, sida barakaca iyo qaxootinimada. War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale sheegay in ficilkaas uu fursad siin karo kooxo aan dawli ahayn oo ka faa’iideysan kara xaaladda murugsan.
“Haddii aan laga hortagin, falkaasi wuxuu suurtogal ka dhigi doonaa in ay soo baxaan kooxo hubeysan oo khatar ku ah xasilloonida gobolka, taasoo horseedi karta musiibooyin bini’aadantinimo iyo khataro amni oo baahsan,” ayaa lagu yiri qoraalka.





