Soomaaliya, 2 November 2025 — Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa Sabtidii ku dhawaaqday ololaha talaalka carruurta, kaas oo lagu tallalayo dhallaanka da’doodu u dhaxeyso hal sano ilaa shan sano, waxaana laga fulin doonaa dhammaan deegaanada Somaliland.
Ololahan ayaa ah mid looga hortaggayo cudurrada faafa oo ay ka mid yihiin dabaysha, jadeecada, qandhada qaboobaha, qaaxada iyo shubanka. Mas’uuliyiinta caafimaadka ayaa sheegay in ololaha lagu gaari doono 1182 carruur ah kuwaas oo da’doodu u dhaxeyso hal sano ilaa shan sano.
Wasiirka Caafimaadka Somaliland, Xuseen Bashiir Xirsi, oo furitaanka ololaha ka hadlay ayaa sheegay in wasaaraddu ka go’an tahay gaarsiinta adeegyada caafimaadka carruurta Somaliland meel kasta oo ay ku nool yihiin.





