Ceerigaabo – Somaliland ayaa soo saartay go’aamo cusub oo lagu adkaynayo amniga magaalada Ceerigaabo iyo guud ahaan gobolka Sanaag, xilli magaalada ay dhowr jeer ka dhaceen dagaallo beeleed sababay khasaare naf iyo maalba leh.
Wafdi ka kooban xubno ka tirsan golaha wakiillada iyo xukuumadda Somaliland, kuwaas oo sheegay in loo xilsaaray dejinta xasiloonida Ceerigaabo, ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay in ammaanka magaalada ay sugayaan oo keliya ciidamada booliska. Go’aamadan cusub ayaa mamnuucaya in dad shacab ah ama cid aan booliska ahayn ay magaalada hub ku dhex wataan.
"Guddigu waxa uu farayaa ciidamada in wixii ka bilowda 3-da Febraayo 2025 aan lagu arki karin magaalada Ceerigaabo cid hub sidata, cidii lagu arkaana ay ciidanku tallaabo ka qaadayaan. Sidoo kale, ciidamada ammaanka gobolka Sanaag waxay masuul ka yihiin sugidda xasilloonida gobolka,” ayuu yiri xubin ka tirsan guddiga.



