Hargeysa (Dawan) – Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Somaliland ayaa ku dhawaaqday in laga bilaabo maanta 13-ka Agoosto 2025 ey mamnuuc tahay soo dejinta baabuurta aanay xabadu karin iyo gawaadhida dusha bannaan, kuwaas oo bulshada qaar u yaqaanaan qabaalka
War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda 13-ka Agoosto 2025 ayaa lagu sheegay in go’aankan lagu fulinayo dhammaan deegaanada Somaliland, ilaa amar dambe laga soo saarayo.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ujeedada amarkan ku sheegtay in ay tahay ilaalinta iyo adkaynta nabadgelyada guud ee dalka, iyadoo xustay in tallaabadani ay qayb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo amniga gudaha.



