Hargeysa (Dawan)- War qoraal ah soo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamaiga ah ee Somaliland ayaa lagu sheegay in Somaliland ay si adag uga soo horjeedo fara galin kasta oo dibadeed oo ka soo horjeedo heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay la saxiixatay Dowladda Itoobiya.
War-saxaafadeedkan ayaa u muuqday mid ka jawaabayay shirkii jaraa'id ee Madaxda Soomaaliya iyo Masar ku diideen heshiiska Badda ee Itoobiya iyo Somaliland, iyada uu Madaxweynaha Masar sheegay in aan la aqbali karin heshiis nuucaas ah.
Sidoo kale, Somaliland ayaa ugu baaqday dhamaan dhinacyada daneeya arrimaha Somaliland inay diirrada saaraan waxyaabaha nafciga u leh nabada mandaqada iyo iskaashiga.
Somaliland ayaa u soo jeedisay Dowladda Masar in ay xoogga saarto nabadeynta iyo xasilinta wadamada ay dariska yihiin ee Suudaan, Liibiya, iyo Falastiin oo la daalaa dhacaya caqabado waaweyn oo ay Masar qeyb weyn ka qaadan karto xal nabadeedkooda iyo xasiloonidooda.
Somaliland ayaa intaas ku dartay in ay fahansantahay aragtida Masar ee cilaaqaadka Gobolka, waxeyna sheegtay in loo baahanyahay in lasii joogteeyo dadaalada wada jirka ah iyo wada shaqeynta ku dhisan ixtiraam si loo horumariyo danaha guud ee wadamada mandiqada .
Somaliland waxa ay ballan qaaday in ay sii wadi doonto wadahadalada diblomasiyadeed iyo iskaashi ee kala dhaxeeya dhamaan dalalka si kor loogu qaado nabada iyo horumarka Geeska Africa.
Warkaan Somaliland ayaa ku soo aadaya xilli Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-siisi uu 21 bishaan January taageero xoogna u muujiyey Dowladda Soomaaliya , isaga oo caddeeyay in heshiiska Badda uu yahay mid aan la aqbali karin.



