Ceerigaabo, Somaliland – Somaliland ayaa tallaabo horay u qaaday oo la xiriirta dhismaha iyo xoojinta ciidankeeda, iyada oo si rasmi ah ugu dhawaaqday qaramaynta guutadii ugu horraysay ee ciidamada hubeysan ee magaalada Ceerigaabo.
Munaasabaddan, oo ka dhacday 1-dii March 2025, waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Maxamed Cali Aw Cabdi, iyo wafdi sare oo uu hoggaaminayay. Waxaa lagu shaaciyay in ciidamada la qaramaynayo ay si rasmi ah uga mid noqdeen Ciidanka Somaliland.
Tallaabo Lagu Xasilinayo Ceerigaabo
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland iyo wafdigiisa, oo maalmahan booqasho ku joogay gobolka Sanaag, ayaa sheegay in ujeeddada safarkooda ay tahay nabadeynta gobolka iyo qaramaynta ciidamada madaniga ah.
"Maadaama maanta la qarameeyey qaybtii ugu horraysay ee ciidamada madaniga ah, gogoshii nabadgelyadana waanu dhignay. Ceerigaabo cidina cid kama xigto, waa la wada leeyahay, waana lagu wada noolaa," ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Maxamed Cali Aw Cabdi.
Wuxuu intaas ku daray in ciidamada dhiman si dhakhso ah loo qaramayn doono, isla markaana waxgaradka iyo odayaasha gobolka Sanaag looga baahan yahay inay dadajiyaan habsami u socodka qaramaynta ciidamada.
Xoojinta Amniga Gobolka Sanaag
Go’aankan qaramaynta ciidamada ayaa daba socda wareegto hore oo Somaliland ay soo saartay bishii hore, taas oo mamnuucaysay in hub lagu dhex sido magaalada Ceerigaabo.





