Switzerland, 24 Jannaayo 2026 (Dawan)– Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa Khamiistii sheegay in Somaliland ay qorsheyneyso inay ku biirto Heshiiska Abraham (Abraham Accords), oo ah hindise uu hoggaaminayo Maraykanku, soo bilaawday xilligii hore ee madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
Isagoo ka hadlayay munaasabad doceed ka dhacday Madasha Dhaqaalaha Adduunka ee Davos, Cirro ayaa xusay in siyaasadda Somaliland ay ku dhisan tahay xasillooni, nabad iyo iskaashi goboleed. Wuxuu sheegay in Heshiiska Abraham uu salka ku hayo wada-hadal iyo is-faham, isla markaana Somaliland ay taageersan tahay dadaalladaas.
““Hindisahan cusub ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Trump, wuxuu ku dhisanyahay mabda’a ah in laga shaqeeyo nabadda. Waynu dhowreynaa dadaalkan, waxaanan taageersanahay wadahadalka, is-dhexgalka bulshada, iyo iskaashiga gobolka,”,” ayuu yiri Cirro.





