Hargeysa (Dawan ) - Somaliland ayaa maanta si kulul uga hortimid dhismaha maamulka cusub ee laga dhawaaqay gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn, iyadoo ku tilmaantay tallaabadaas mid sharci-darro ah iyo faragelin siyaasadeed oo ka dhan ah xuduudeeda.Go’aanka ayaa yimid kaddib shir aan caadiga ahayn ee Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Ciro), kaas oo lagu qabtay magaalada Hargeysa. Kulanka kaddib, Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Axmed Yaasiin, ayaa warbaahinta si rasmi ah ula hadlay, isagoo akhriyey war-murtiyeed uu Golaha Wasiirradu ku sheegay in dhismaha maamulkaas uu yahay mid sharci-darro ah.
“Gobollada Sool, Sanaag iyo Togdheer waa qeyb aan qeybsami karin oo ka mid ah dhulka qarameedka Somaliland. Tallaabooyinka Dowladda Federaalka ay ka waddo bariga Sool waa faragelin sharci-darro ah,” ayuu yiri Wasiir Axmed Yaasiin.Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay hurinayso colaado qabiil, iyadoo adeegsaneysa xaaladda siyaasadeed ee ka taagan waqooyiga Soomaaliya si ay u hesho saameyn cusub oo siyaasadeed.
“Bulshada deggan gobolladan waxay si xor ah uga qeybqaateen aftidii gooni-isu-taagga Somaliland. Ma jiro sharci u oggolaanaya Dowladda Federaalka inay maamul uga dhawaaqdo dhul aan iyadu gacanta ku haynin,” ayuu raaciyay Wasiirku.



