Hargeysa (Dawan)- Hay’adda sirdoonka Somaliland ayaa sheegtay in gacanta ku dhigtay xubno ka tirsan Hay’adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA kuwaas oo sida ay sheegtay qorsheynayay inay gudaha Somaliland ka fuliyaan falal ka dhan ah h amaanka.
"Hay'adda sirdoonka Somaliland ee NIA, waxa ay gacanta ku dhigtay koox ka tirsan NISA oo hawlgallo looga soo diray Muqdisho ku saabsan inay qas ka abuuraan Somaliland iyo dilal qorshaysan gaar ahaan Boorame" ayaa lagu yiri, qoraal kooban oo kasoo baxay Hay’adda sirdoonka Somaliland
Waxay intaas ku sii dartay in xubnaha lasoo qabtay ay ahaayen labo, iyada oo lagu daba jiro lix kale.
Dowladda Soomaaliya wax war ah kama soo saarin weli hadalka soo baxay hay’adda sirdoonka Somaliland ee lagu sheegay in lagu qabtay xubna ka tirsan NISA iyo eedeynta loo jeediyay ee ka dhanka ah xasiloonida.





