Hargeysa (Dawan)- Golaha Wasiirada Somaliland ayaa maanta u codeeyay in loo diyaar garoobo sida la isaga difaaci lahaa, waxa ay ugu yeeren kuwa isu soo bahaysatay inay waxyeelleeyaan Qarannimada Somaliland ee u soo hanjabaya, colaaduna ku cusubtahay.
Goluhu si toos ah maanta uma tilmaamin kooxaha isu soo bahaysatay ee doonaya inay waxyeellaan Somaliland balse dhawaan waxa uu Muuse Biixi Cabdi sheegay in ay jiraan Jabahdo ku sugan Jabuuti oo usoo hanjabay Somaliland.
Sidoo kale codeynta Golaha Wasiirada Somaliland ee is difaacidda ayaa imaaneysa maalmo kadib markii Xukuumadda Soomaaliya ay soo saartay qaraar loogu aqoonsaday "Aragtida Gooni-goosadka ah" inay ka mid tahay Khataraha Amniga Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Tan iyo markii Somaliland la saxiixatay dowldda Itoobiya is-afgaradkii badda, waxaa gobolka kusoo kordhay xiisad iyo khilaaf xoogan oo soo kala dhex galay dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya, waxaana hakad ku yimid wadahadalladii iyo xiriirkii dadbanaa ee ka dhexeeyay Somaaliya iyo Somaliland.





