Hargeysa (Dawan)- Somaliland ayaa maanta soo bandhigtay diyaaradihii ugu horeeyay ee ay yeelato kuwaas oo lagu tababari doono farsamo-yaqaano iyo duuliyayaal madani ah muddo laba sano ah.
Arrintan ayaa timid kadib markii Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi uu maanta kormeer ku tagay garoonka diyaaradaha ee Cigaal iyo talisyada ciidamada ee Somaliland.
far-samayaqaanada iyo duuliyayaasha ayaa qaadan doono casharada la xriira cillad bixinta iyo duulimaadyada diyaaradaha, si loo helo muwaadiniin aqoon dheeraada u leh arrimaha duulimaadyada, ayaa lagu yiri, war-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Somaliland.
Sida warbixinta madaxtooyada lagu sheegay, waxaa cashirada bixin doona Macalimiin ajaanib ah oo aqoon u leh xirfadaas, inkasta oo aan la sheegin dalka ay kasoo jeedaan.





