Hargeysa (Dawan)- Somaliland ayaa walaac xooggan ka muujisay falalka burcad badeedka ee kusoo laabtay Badda Cas, iyada oo sheegtay inuu saameyn dhaqaale ku keeni doono Gobolka.
War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ayaa lagu sheegay in Somaliland ay isha ku hayso xiisada amni ee ka soo cusboonaatay marinka koonfureed ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, iyada oo intaas ku dartay in saamayn dhaqaale iyo mid bulsho ay ka imman karto dhaqdhaqaaqyada sharci darrada ah ee ku soo kordhaya Badda Cas.
Waasaarraddu waxa uu sidoo kale xusay in kor u kac ku imaan doono qiimaha badeecadaha iyo caymiska Maraakiibta ee gobolka, haddii aan wax laga qaban xasiloonida iyo amniga Badaha.
Somaliland ayaa ku baaqday in si deg-deg ah loo qaado tillaabo ku dhisan is kaashi si wax looga qabto kharataha kusoo fool leh Gobolka iyo Caalamka.





