Hargeysa (Dawan)- Somaliland ayaa walaac ka muujisay wadahadallada lagu wado in ay dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya ku dhex maraan Turkiga si xal looga gaaro xiisadda ka taagan arrimaha badda.
Qoraal kooban oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa lagu sheegay in Wasiir Ciise Kayd uu la kulmay Qunsulka Turkiga ee Hargeysa si uu ula wadaago walaaca Somalialnd ay ka qabto wadahadallada.
Arrintan ayaa imaaneysa iyada oo ay Turkiga ku suganyihiin labada wafdi ee ka qayb galaya wadahadallada, waxaana la filaya in dhawaan la guda galo wadaxaajoodka oo hore loo qorsheeyay maanta oo ku beegan 1-da bisha July.
Dhanka Soomaaliya waxaa ku matalaya wadahallada la taliyaha amniga Qaranka Xuseen Macallin, wasiirka arrimaha dibadda Axmed Fiqi iyo xubin ka socota madaxtooyada oo magaceeda lagu soo koobay Ruqiyo. Dhanka Ethiopia waxaa wadahadalka u qaabilsan wafti uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda Taye Atske Selassie.
Somaliland iyo Ethiopia ayaa kala saxiixday heshiis ay Ethiopia ku gaareyso badda, Somaliland-na ku heleyso aqoonsi iyo saami shikradda diraadaha Ethiopian Airlines 1-dii bishii January 2024.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa arrintan ka hortimid, waxa uuna dhaliyay xiisad dublamaaaisayeed oo labada dalka ka dhex dhalatay, taas oo gaartay in safaaradaha la kala qaato.





