Hargeysa (Dawan)- Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland ayaa lagu cambaareeyey qaraxii xalay ka dhacay xeebta Liido kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 30 qof, tiro intaas kasii badan uu dhaawac kasoo gaaray.
"Waxaan aad uga xunahay ugana naxnay falkii argagaxa lahaa ee ka dhacay Xeebta Liido oo galaaftay nolosha dad rayid ah oo aan waxba galabsan, gaar ahaan dhalinyarada" ayaa lagu yiri; qoraal lagu baahiyay barta X ee Wasaaradda.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland ayaa intaas ku dartay inay garabtaagantahay xilligan adag dhammaan qoysaskii ay ka baxeen dadkii rayidka ahaa ee ay dhibaatadu soo gaartay, waxeynta tacsi u dirtay eheladdi dadkii ku geeriyooday qaraxa.
in ka badan 32 qof ayaa ku dhintay, ku dhawaad 63 kalena waa ay ku dhaawacmeen, weerar ay rag hubeysan ku qaadeen xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, habeenimadii xalay ee Jimcaha ahayd, sida uu sheegay afhayeenka Boliiska Soomaaliya Gaashaanle Cabdifataax Aadan Xasan.





