Nairobi, Kenya – 30 May 2025 – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, ayaa si rasmi ah u daahfuray xafiiska cusub ee Somaliland ku yeelaneyso magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, sida lagu sheegay bogga Xafiiska Afhayeenka Somaliland.
Munaasabadda furitaanka ayaa ka dhacday banaanka xarunta cusub, waxaana ka soo qeybgalay masuuliyiin ka tirsan Somaliland, shaqaalaha xafiiska cusub iyo qeybaha kala duwan ee Soomaalida ku nool Nairobi.
Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in furitaanka xafiiskan uu qeyb ka yahay dadaallada Somaliland ku doonayso in ay xiriir diblomaasiyadeed iyo mid bulsho la yeelato waddamo badan oo caalamka ah, isagoo carabka ku dhuftay in xiriirka Somaliland iyo Kenya uu yahay mid taariikhi ah, ayna jiraan bulsho badan oo Somaliland ka soo jeeda oo muddo dheer ku nool Kenya.






