Hargeysa, (Dawan) — Ciidamada ammaanka Somaliland ayaa xalay xiray Sheekh Maxamed Wali Cabdirashiid, oo ka mid ah culimada sida weyn looga yaqaan Somaliland, kaddib khudbad uu Jimcihii ka jeediyay masaajidka Jaamac Al-Qamiid ee magaalada Hargeysa.
Khudbaddaas ayuu Sheekh Maxamed Wali si cad uga hadlay arrinta la xiriirta aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, isagoo sheegay in heshiisyada noocaas ah ay ka hor imaanayaan mabaadi’da diinta Islaamka. Waxa uu si gaar ah u dhaliilay Heshiiska loo yaqaan Abraham Accords, isaga oo ka digay saameynta uu ku yeelan karo mustaqbalka Somaliland dhinacyada diinta, siyaasadda iyo bulshadaba.
Sheekhu waxa uu baaq toos ah u diray Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, isaga oo ugu yeeray in uusan booqan Israa’iil, isla markaana uusan saxiixin heshiisyo uu ku tilmaamay kuwo diiniyan aan bannaaneen. Waxa uu xusay in raadsiga aqoonsi ku xiran Israa’iil uu horseedi karo dhibaatooyin waqti fog saamaynaya oo ay adkaan karto in dib looga laabto.
Sheekh Maxamed Wali ayaa sidoo kale ka mid ahaa culimo dhowaan la kulmay Madaxweynaha Somaliland, kulan dhacay 30-kii Diseembar 2025, kaas oo looga hadlay arrimaha la xiriira aqoonsiga Israa’iil. Culumadaasi waxay kulankaas ku sheegeen in qodobada la xiriira aqoonsiga Israa’iil ay yihiin kuwo ka hor imanaya shareecada Islaamka, isla markaana aan laga fiirsan cawaaqibtooda, sida uu Sheekhu ku sheegay khudbaddiisi shalay.
Intii uu khudbadda jeedinayay, Sheekh Maxamed Wali wuxuu muujiyay walaac ku saabsan jihada siyaasadeed ee Somaliland, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in bulshada lala wadaago faahfaahinta iyo saameynta ka dhalan karta tallaabooyinka la xiriira Israa’iil.







