Garoowe (Dawan)- Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Siciid Cabdullahi Deni ayaa kusoo laabtay Garoowe kadib 55 maalin uu dibadda ku maqanaa.
Safarka Deni oo ahaa mid qarsoodi ah, wuxuu cagta soo mariyay dalalka, Imaaraadka Carabta, Itoobiya iyo Kenya, waana safarkii ugu dheeraa ee uu Deni galo tan iyo 2019 oo ahayd markii loo doortay Madaxweynaha Puntland.
Mucaaradka Puntland ayaa ku eedeyay Deni inuu isaga jiro dalxiis, xilli khilaaf xooggan ka jiro hannaanka nidaamka xisniyada iyo doorashada lagu ballansanyahay inay ka dhacdo maamul goboleedka Puntland bisha January ee soo socota,
Siyaasiyiinta mucaaradka Puntland oo 10-kii bishaan October shir uga furmay magaalada Garoowe ayaa dhaliilay hannaanka uu Deni u wajahayo doorashada Puntland, ayaga oo sheegay in laga gaabiyay sixidda iyo dardargelinta hannaaka dimoquraadiyadeynta deegaanada Puntland.






