Muqdisho (Dawan)- Dhallinyara gaareysa 164 qof kuwaas oo ku jiray xabsiyada Libya ayaa maanta lagu guuleystay in dib loogu celiyo dalkooda.
109 qof oo kamid ah dhalinyaradaas ayaa laga soo dejiyay magaalada Muqdisho, halka 55 qof oo kale laga dejiyay magaalada Hargeysa.
Arrintan ayaa qayb ka ah dadaallada ay Soomaaliya ugu jirto inay dalka dib ugu soo celiso muwaadiniinteeda ku jira xabsiyada dowladaha shishyee iyo kuwa ku dhibaateysan dowladaha ay colaaduhu ka jiraan, iyada oo la kaashanayo Ururka Socdaalka Adduunka (IOM) iyo Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga (UNHCR).
Dadka soo laabtay waxaa lagu soo celiyay barnaamijka loo yaqaano soo celinta Bini'aadantinimada ee aan qasabka ahayn.
Qaar badan oo ka mid ah dhallinyaradan ayaa soo maray xaalado halis ah intii ay ku guda jireen safarkooda ay ku doonayeen inay ku galaan qaaradda Yurub, sida inay gacanta ku galeen kooxaha dadka tahriibiya.
Mid ka mid ah dhalinyarada oo ka hadlay dib u soo noqoshadiisa ayaa sheegay inuu ku faraxsanahay inuu kusoo laabtay waddankiisa hooyo isaga oo rajo ka muujiyay inuu billaabo nolo cusub, wuxuuna dhallinyrada uga digay inay u tahriibaan dalal shisheeye.
Dowladda Soomaaliya ayaa wadday sanadihii lasoo dhaafay dadaalo dib loogu soo celinayo muwaadiniinta ku dhibaateysan dalalka shisheeye, iyada oo la dhisay hay'ado u gaar ah qaxootiga.








