Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa shalay Madaxtooyada Somaliland kulan kula yeeshay madaxda sare ee Hay'adda Pharo Foundation, oo ah hay'ad ka shaqaysa arrimaha horumarka aadanaha, gaar ahaan waxbarashada, caafimaadka, beeraha, biyaha, iyo degaanka.
Kulankan, oo Madaxweyne Cirro ay ku wehelinayeen xubno ka tirsan Xukuumadda Somaliland, waxa ay la yeesheeen madaxda ugu sareysa ee Pharo Foundation.
Sida lag u sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliland Ujeeddada kulankan waxa ay ahayd sidii Somaliland iyo Pharo Foundation uga wada shaqeyn lahaayeen maal-gelinta iyo hirgelinta wax-soo-saarka beeraha iyo kobcinta sugnaanshaha cuntada.
Madaxweyne Cirro ayaa soo dhaweeyay kulanka, isagoo sheegay in Xukuumaddiisu ay ka go'an tahay soo jiidashada iyo la-shaqaynta cid kasta oo si dhab ah u maal-gashanaysa beeraha, xoolaha, macdanta, iyo khayraadka kala duwan ee Somaliland.



