Hargeysa (Dawan)-Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee ka socday magaalada Burco ayaa lasoo gabagabeeyay, iyada oo la doortay musharraxa madaxweyne , guddoomiyaha xisbiga iyo ku xigeenadooda.
Golaha Dhexe ee Kulmiye ayaa Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga u doortay Mudane Muuse Biixi Cabdi, halka ku xigeenkiisa loo doortay Maxamuud Xasan Sacad.
Golaha ayaa sidoo kale u doortay gudoomiyaha xisbiga Maxamed Kaahin Axmed, wasiirka Arrimaha Gudaha iyada oo ku xigeenkiisana loo doortay Cabdicasiis Maxamed Samaale, oo hore usoo noqday wasiirka Maaliyadda Soomaaliland.
Muuse Biixi oo khudbad ka jeediyay xiritaanka shirka ayaa sheegay inuu ku faraxsanahay inuu maanta wareejiyo hoggaankii xisbiga ee uu muddoo dheer haayay.



