Soomaaliya ayaa 23 April la wareegtay hoggaanka Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika intii lagu guda jiray shirka 24-aad ee Wasiirrada ee Iskaashiga Geeska Afrika, oo ka dhacay Bangiga Adduunka ee Washington, DC.
Go’aankan Soomaaliya ay kula wareegtay ayaa lagu gaaray shirkii 23-aad ee Wasiirrada Maaliyadda ee wadamada ku mideysan Hindisaha Geeska Afrika oo ka dhacay Addis Ababa bishii Febraayo.
Hindisaha Geeska Afrika ayaa diiradda saara isdhexgalka ganacsiga, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, iyo maalgelinta mashaariicda muhiimka ah ee gobolka.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige oo xilkaan Soomalaiya ugu fadhiisanaya ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta iskaashiga gobolka, kobcinta ganacsiga, iyo maalgelinta kaabayaasha is-dhexgalka ee xuduudaha, isagoo si gaar ah u xusay ahmiyadda ay leedahay horumarinta awoodda wax ka qabashada caqabadaha dabiiciga ah iyo kuwa bani’aadamka.



