Muqdisho, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa 6 May 2025 la kulmay Michael E. Langley, Taliyaha Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), iyagoo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga amniga ee Soomaaliya iyo Mareykanka.
Sida ay sheegtay Madaxtooyada Soomaaliya, kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardar gelin lahaa dadaallada wadajirka ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish, iyo sidii loo xoojin lahaa isku xirnaanta ka dhexeysa Soomaaliya iyo saaxiibada kale, oo ay ku jiraan Ciidamada AUSSOM.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa muujiyay mahadnaq uu u haayo taageerada joogtada ah ee Mareykanka ee Soomaaliya, gaar ahaan taageerada ay ku bixiso dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish.





