Aljeeriya (Dawan) – Dowladda Soomaaliya iyo Aljeeriya ayaa kala saxiixday saddex heshiis oo lagu dhisayo guddi wadajir ah oo dowladeed, iyo barnaamijyo lagu horumarinayo tababarka diblumaasiyiinta Soomaaliyeed.Heshiisyada ayaa lagu saxiixay kadib kulan ay Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee labada dal, Cabdisalaan Cabdi Cali oo Soomaaliya ah iyo Ahmed Ataf oo Aljeeriya ah, ku yeesheen xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Aljeeriya Axaddii.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeedyada labada Wasraadood Heshiisyadan ayaa ujeedadoodu tahay in la xoojiyo iskaashiga labada dal, iyadoo heshiiska koowaad uu yahay dhismaha guddi wadajir ah oo dowladeed, taasoo lagama maarmaan u ah horumarinta xiriirka labada dhinac. Heshiis kale ayaa oggolaanaya in la dhiso barnaamij tababarka diblumaasiyiinta Soomaaliyeed, si loo taageero tayeynta iyo horumarinta xirfadaha diblomaasiyiinta.
Sidoo kale, waxaa la saxiixay heshiis ku saabsan abuurista hanaan wadatashi siyaasadeed, oo labada dhinac u sahlaya inay si joogto ah u wada xaajoodaan si loo xoojiyo iskaashiga siyaasadeed iyo dhaqaalaha.
Ka dib saxiixa heshiisyadan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa sheegay in heshiisyadani ay furayaan wadooyin cusub oo iskaashi oo ku saabsan amniga, siyaasadda, iyo waxbarashada labada dal. "Waan ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqo in shirkeena maanta aan ku saxiixnay saddex heshiis taariikhi ah ama MoU-yo.







