London (Dawan)- Kulankii lixaad ee Soomaaliya iyo dowladaha saaxibada la ah ee ka taageera dhinaca amniga ee kala ah Mareykanka, Britain, Qatar, Turkey, iyo Imaaraadka Carabta, ayaa Talaadadii ka dhacay magaalada London.
Dowladahan oo loo yaqaano “5 Geesoodka Taageerada Soomaaliya” ayaa mas'uuliyiinta Soomaaliya kala hadlay xaaladda amni iyo siyaasadeed ee dalka iyo sidii loo sii xoojin lahaa wadashaqeynta howlahooda.
Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar ayaa bartiisa X ku qoray in kulanku ahaa mid mira dhal ah kaas oo lagu lafa guray kor u qaadsita tillaabooyinka dhanka amniga ah iyo xoojinta horumarka siyaasadeed.
Ergeyga Gaarka ah ee Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, Faysal bin Cabdullaahi oo ka qeyb galay kulanka, ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo dadaallada lagu taageerayo amniga, xasilloonida, midnimada, iyo madaxbannaanida dhulkeeda Soomaaliya, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee Qatar.
Mas'uuliyiinta Soomaaliyeed ee kulanka ka qayb galay, waxaa ka mid ah La-taliyaha Amniga Qaranka , Xuseen Sheekh Cali.
Waa Maxay “5 Geesoodka Taageerada Soomaaliya”
Markii Madaxweyne Xasan Sheekh dib loo doortay 15-kii May 2022, waxa uu billaabay abaaulka dhismaha koox loogu magac daray “5 Geesoodka Taageerada Soomaaliya”: kuwaas oo kala ah Mareykanka, Ingiriiska, Turkiga, Isutagga imaaraadka Carabka iyo Qatar oo ah dalalka sida xooggan ugu lugta leh ammaanka Soomaaliya oo siyaabo kala duwan u taageera ciidamada Soomaaliya.
Ujeedka loo sameeyay kooxdan ayaa ah mideynta taageeradooda milatari iyo ka fogaanshaha iska hor imaadka danahooda maadaama ay dhamaantood ku lug leeyihin laamaha amniga ee Soomaaliya, waxeyna hore ugu kulmeen magaalooyinka Dooxa, Ankara, New York iyo laba jeer oo Abu Dhabi ah.
Kaalinta Turkiga





