Nairobi (Dawan)- Wasiirka Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Khadiija Maxamed Al-makhzoumi ayaa dhiggeeda dowladda Imaaraadka Carabta Mariam Almheiri kala hadashay iskaashiga labada dal ee arrimaha deegaanka iyo isbeddelka cimilada.
Labada wasiir ayaa ka qeyb gelaya shirka cimilada Afrika ee ka socda caasimadda Nairobi ee dalka Kenya.
Qoraal ay soo dhigtya barteeda X ayey wasiir Khadiija ku tiri “Waxaan ka wada hadalnay xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya dalalkeenna iyo u diyaargarowga Imaaraadka ee martigelinta COP28 ".

Kenya ayaa martigelinaysa shirkii ugu horreeyay ee cimilada Afrika, kaas oo looga hadlayo u nuglaanshaha isbeddelka cimilada qaaradda Afrika iyo caalamka.
Shirkaan oo bilaawaday shalay oo isniin ah, waxaa ka qeyb gelaya madaxda Afrika, mas’uuliyiin ka socda hay’adaha caalamka iyo ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Maraykanka u qaabilsan arrimaha cimilada John Kerry, wuxuuna socon doona ilaa 6-da September.
Madaxda ayaa ka doodaya natiijada ka soo baxday ballan qaadyadii hore loo sameeyay, caqabadaha hortaagan wax ka qabashada isbeddelka cimilada iyo soo xoojinta dadaalada ay dalalku ku howlanyihiin si loo badbaadiyo qaaradda Afrika.




