Muqdisho (Dawan)- Hey'adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay warbixin ay uga hadashay dadaalka Dowladda Soomaaliya ee hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda oo meel wanaagsan maraya iyada oo ay Dowladda Soomaaliya iyo IMF wada gaareen is afgarad ku saabsan barnaamij cusub oo lagu sii xoojinayo hannaanka Maaliyadda iyo dib u dhiska dhaqaalaga oo la hirgalin doono dayn cafinta ka dib .
Warbixinta IMF ayaa lagu yiri "Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay joogteysay dhaqan-gelinta dib-u-habaynta Maaliyadda, si ay gacan uga geysato xoojinta hay’adaha Maaliyadda iyo siyaasadaha dhaqaalaha ee muhiimka ah, taas oo waddada u xaaraysa in Soomaaliya ay gaarto barta kama dambeysta ah ee qorshaha Deyn Cafinta oo la filayo go’aankiisa kama dambeysta ah bisha December 2023-ka.
Iyada oo laga amba-qaadayo horumarkaas, mas'uuliyiinta Dowladda Soomaaliya iyo IMF waxa ay gaareen heshiis ku saabsan dib-u-habeynta Maaliyadda iyo siyaasadda Dhaqaalaha Soomaaliya, kaas oo socon doona muddo 36 bilood ah.
IMF waxa ay sheegtay barnaamijka cusub ee ECF in ujeedadiisu uu yahay in lagu hago siyaasadaha kama dambeysta ah ee kadib barnaamijka Deyn Cafinta, si loo sii xoojiyo hey'adaha Maaliyadda, horumarinta ganacsiyada yar yar iyo kobaca dhaqaalaha guud oo waafaqsan Qorshaha Horumarinta Qaranka iyo hiigsiga fog ee Dowladda Soomaaliya.
IMF waxa ay xustay in ay lama huraan tahay sii socoshada taageerada saaxiibada caalamiga ee hay'adaha maaliyadda Soomaaliya.





