Muqdisho (Dawan)- Wasiirka Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada ee Soomaaliya, Khadiija Maxamed Al Makhzoumi, ayaa kulan la qaadatay Agaasimaha Horumarinta ee FCDO, ee UK, Chris Pycroft. Waxayna kawada hadleen arrimaha cimilada, horumarka laga gaaray hawl-galka helitaanka Maaliyadda Cimilada, iyo qorshayaasha COP29.
Wasiir Khadiija ayaa bogaadisay taageerada UK ee Soomaaliya iyo sida ay qayb qaadatay ku biiristii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, taas oo muujineysa xiriirka iyo wada shaqaynta labada dal.
"Waxaan kulan wax ku ool ah la yeeshay Agaasimaha Horumarinta ee FCDO, Chris Pycroft. Waxaan ka wada hadalnay ujeedooyinka dhanka cimilada ah ee aan wadaagno , horumarka laga sameeyay hawl-galka Helitaanka Maaliyadda Cimilada, iyo qorshayaasha COP29" ayay barteeda X kusoo qortay Wasiir Khadiija.
Wasiirka Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada ee Soomaaliya ayaa intaas ku dartay, in wadashaqaynta labada dal ay wax wayn ka bedeli karto la dagaalanka loogu jiro isbedelka cimilada.



