Manama (Dawan)- Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada Soomaaliya, Jaamac Xasan Khaliif, ayaa heshiis iskaashi kula saxiixatay Ururka Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) caasimadda dalka Bahrain ee Manama oo uu ka socdo shirka Horumarinta Isgaarsiinta ee wadamada Carabta.
Heshiiskan ayaa dhigaya in Uuruka Isgaarsiinta Caalamiga ah iyo Soomaaliya ay iska kaashadaan dhinacyada Horumarinta Isgaarsiinta, ICT-da, siyaasadda dijitaalka ah, nidaaminta xirfadaha dijitaalka ah iyo kobcinta awoodda, kaabayaasha isku xirnaanta, dhisidda kalsoonida isticmaalka adeegyada dijitaalka.
"Dowladda Soomaaliya oo xoojineysaa wada shaqaynta Ururka Isgaarsiinta Caalamiga ah, Hishiishkaan waxaa looga faa'iideesanayaa in kor loo qaado hannaanka Casriyeynta iyo Isbeddelka Soomaaliya, kaas oo looga gol-leyahay in lagu dhiso, laguna kobciyo isbeddelka horseedaya Horumar waara oo Teknoolojiyadda iyo Dijitaalka ay sal u yihiin" ayuu yiri Wasiir Jaamac.
Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Jaamac Xasan Khaliif iyo Maareeyaha guud ee Hey'adda Isgaaraiinta Qaranka, Mustafa Yaasiin Sheekh ayaa ka qeyb gelaya Shirka Horumarinta Isgaarsiinta ee dalalka Carabta, oo maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Manama ee caasimadda Bahrain.




