Jabuuti, 19 Oktoobar 2025 — Mas’uuliyiin ka socday Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa maanta kulan ku yeeshay Jabuuti si ay uga wada hadlaan iskaashiga maamulka diinta, maamulka masaajidda, iyo istaraatiijiyadaha lagula dagaallamayo xagjirnimada.
Kulankan waxaa hoggaaminayay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Soomaaliya, Mukhtaar Roobow Cali, iyo Wasiirka Arrimaha Diinta, Saqada, iyo Awqaafta ee Jabuuti, Moumin Xasan Barreh. Mas’uuliyiin sare, xubno ka tirsan baarlamaanka, iyo culimo ka socday labada dal ayaa sidoo kale ka qayb galay kulanka.
Wadahadallada waxaa diiradda lagu saaray maamulka diinta, tababarka culimada, maaraynta zakada, iyo kormeerka hantiyaal awqaafta ah.
"Socdaalkeena waxa uu ahaa inaana wasaaradda dhigeenna ah ka faa’iideysanno, khibradaha, Saqada, Zakada iyo si guudba sida ay u shaqeeso inaan khibrad ka qaadanno isna dhaafsanno oo aan arday u noqonno," ayuu wasiir Roobow u sheegay warbaahinta dowladda Soomaaliya.







