Kigali (Dawan)-Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Soomaaliya Jaamac Taqal Cabaas ayaa kala hadlay dhiggiisa dalka Jabuuti Yoonis Cali Geedo xoojinta iskaashiga labada dal ee dhanka Tamarta iyo sidii la isku weydaarsan lahaa khibradaha la xiriira tamarta
Labada wasiir ayaa kulmay kadib markii ay magaalada Kigali ee dalka Rwanda uga qeyb galeen shirka shanaad ee horumarinta Tamarta ee wadamada qaaradda Afrika






