MUQDISHO (Dawan Africa) – Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo ku saabsan wadatashi siyaasadeed, sida ay ku shaacisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya.
Heshiiskan ayaa maanta oo sabti lagu saxiixay Muqdisho, waxaana qalinka ku duugay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, iyo dhiggiisa Jabuuti, Cabdulqaadir Xuseen Cumar, intii lagu guda jiray kulan ka dhacay xarunta Wasaaradda.
Kulanka ayaa lagu falanqeeyay arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga amniga, xasilloonida gobolka, iyo arrimaha caalamiga ah ee labada dhinac danwadaagta ka yihiin. Wasaaraddu waxay sheegtay in heshiiskan uu dhisayo hannaan joogto ah oo wadatashi ah, si loo xoojiyo wada-shaqeynta diblomaasiyadeed iyo in la hormariyo mudnaanta labada dal ee heer gobol iyo caalami.



