Muqdisho, 11 December 2025 – (Dawan)- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Arbacadii kulan la qaatay Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, Richard H. Riley, iyagoo ka wada hadlay sidii Maraykanku uu mar kale uga qeyb qaadan lahaa xaaladda bini’aadantinimo ee Soomaaliya, gaar ahaan abaaraha saameeyay dalka.
Kulanka ayaa ka dhacay safaaradda Maraykanka ee Muqdisho, waxayna labada mas’uul xoogga saareen sidii deeq-bixiyaha ugu weyn ee gargaarka bini’aadantinimo, Maraykanka, uu mar kale u kordhin lahaa taageerada uu siinayo Soomaaliya.







