Muqdisho (Dawan)- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada MuqdishoDowladda Mareykanka kula saxiixday Heshiis Deeq Horumarineed oo taariikhi ah oo gaaraya$68.5 milyan oo doolar. Waxaa heshiiska saxiixay Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga, iyoHorumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beene-Beene),Wasiirka Maaliyadda H.E. Biixi Iman Egeh, iyo Madaxa USAID ee Soomaaliya Catie Lott.

Heshiiska wuxuu xoogga saarayaa sida ay Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada iyadoo loo marayo iskaashi istiraatiiji ah.
Heshiiska ayaa wax ka qaban doona dhinacyada muhiimka ah sida kobaca dhaqaalaha, dib-u-habaynta maamulka, caafimaadka, waxbarashada, iyo awood-siinta haweenka iyo dhalinyarada, taageeridda aragtida fog ee Soomaaliya ee adkeysiga.
“Heshiiskani wuxuu ka turjumayaa iskaashiga joogtada ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka kaas oo ku qotoma hadafka aan wadaagno ee ah xaqiijinta Soomaaliya oo adkeysi badan, barwaaqo ah, oo loo dhan yahay,” ayuu Wasiir Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Breene-Beene) ka sheegay xafladda.
"Taageeradan waxaan ku xoojin doonaa qaybaha muhiimka ah sida waxbarashada, maamulka, iyo horumarinta dhaqaalaha si loo hubiyo in dadkeena, gaar ahaan haweenka iyo dhalinyarada, ay helaan agabka iyo fursadaha ay ku horumari karaan."




