Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka Taleefanka ay ku wada xiriireen dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siis ayaa ka wada hadlay xaaladda gobolka iyo danaha ay wadijrka u wadaagaan Soomaaliya iyo Masar, sida ay Villa Somalia sheegay
"Labada Madaxweyne ayaa wada-hadalkooda diiradda ku saaray xoojinta iskaashiga taariikhiga ah ee labada shacab ee walaalaha ah, iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada lagu wajahayo caqabadaha amniga iyo xasilloonida gobolka" ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay madaxtooayda Soomaaliya.
Dhanka kale, Af-hayeenka Madaxtooyada Masar, Axmed Fahmi ayaa warbaahinta u sheegay in Madaxweyne Al-siisi uu carrabka ku adkeeyay sida ay Masar ugu heelantahay amniga, xasilloonida, madaxbannaanida iyo midnimiada dhuleed ee Soomaaliya, iyada oo ka taageeri doonta caqabadaha kala duwan ee ku hor gudban amniga iyo horumarka Soomaaliya.
Af-hayeenka ayaa intaas ku daray in labada madaxweyne ay isla soo qaadeen xasiloonida Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed oo saamayn ku leh deganaanshaha Geeska Afrika, waxeyna diideen tillaabo kasta oo haldhinac ah taas oo wax u dhimi karta xasiloonida gobolka,
Intii lawada hadalyay ayuu Madaweynaha Masar ugu hambalyeeyey Madaxweynaha, shacabka iyo dowladda Soomaaliya munaasabadda 1-da Luulyo ee Maalinta Qarannimada Soomaaliya, isagoo u rajeeyey horumar iyo amni.





