Muqdisho (Dawan) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SODMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Safiirka Dowladda Masar ee Soomaaliya, Danjire Maxamed Salaax Xasan, ayaa ka wada hadlay barnaamijyo lagu horumarinayo awoodda shaqaalaha SODMA, kaddib kulan ka dhacay magaalada Muqdisho.
Barnaamijyadan ayaa si gaar ah diiradda u saaraya xoojinta tababarka shaqaalaha SODMA, iyadoo Dowladda Masar ay ballanqaadday taageero dheeraad ah. Danjire Maxamed Salaax Xasan ayaa sheegay in Masar ay diyaar u tahay in khubaro Masaari ah ay tababaro u fidiyaan shaqaalaha hay’adda, si kor loogu qaado aqoonta la xiriirta saadaasha hawada, qiimeynta khataraha iyo maareynta masiibooyinka.
Dhankiisa, Guddoomiyaha SODMA, Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa bogaadiyay doorka Dowladda Masar ee taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya, isaga oo xusay in iskaashiga labada dal uu yahay mid muhiim ah, isla markaana Masar ay door muuqda ka qaadato xasilloonida iyo horumarka dalka.





