MUQDISHO (Dawan) – Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in saraakiil sare oo Soomaaliyeed ay Sabtidii Muqdisho kulan kula yeesheen ku xigeenka gaashaandhigga safaaradda Masar, iyagoo ka wada hadlay ka qaybgalka Qaahira ee Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM).
Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga, Cumar Cali Cabdi, iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS, Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa ku qaabilay xarunta Wasaaradda Axmed Fatxi Cabdelsatar Al-Xusayni, oo ah u qeybsanaha Arrimaha Difaaca ee Safaaradda Masar.Wasaaradda ayaa sheegtay in kulanku diiradda lagu saaray iskaashiga difaaca labada dal, tababarrada, iyo diyaar-garowga ciidan, iyadoo si gaar ah loo xusay qorshaha Masar ee ku aaddan dirista ciidan ka tirsan AUSSOM. Ciidamada Masar ayaa la filayaa inay ku biiraan howlgalka Midowga Afrika kadib oggolaanshaha Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (AUPSC).



