Riyaad (Dawan)- Haani Sewilam, Wasiirka Kheyraadka Biyaha iyo Waraabka ee Masar, ayaa shaaca ka qaaday in meel gabagbo ah uu marayo qorshaha ah in Masar iyo Soomaaliya kala saxiixdaan heshiis is-afgarad oo ku saabsan maaraynta kheyraadka biyaha iyo tababarada la xiriira dhisidda awoodaha. Heshiiskan, waxaa looga gol-leeyahay in lagu xoojiyo iskaashiga labada dal ee dhinaca biyaha, iyadoo diiradda la saarayo faa’iido wadaagga iyo ka mira dhalinta danaha wadajirka ah ee labada dhinac.
Wasiirka Masar ayaa hadalkaan sheegay xilli uu dalka Sacuudi Carabiya kula kulmay, Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Soomaaliya, Cabdullaahi Bidhaan Warsame.







