Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Wakiilka Sare ee Arrimaha Dibadda iyo Siyaasadda Amniga ee Midowga Yurub, Josep Borrell, ayaa ka wadahadlay xiisadda Gesska Afrika gaar ahaan khilaafka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya kaas oo laga cabsi qabo inuu u xuub siibto dagaal saamayn ku yeesha guud ahaan gobolka.
Labada dhinac waxay isla qireen muhiimadda ay leedahay in la qaboojiyo xiisadda, ilaalinta xasiloonida gobolka iyo madax-bannaanida Soomaaliya, kadib markii ay kuwada xiriireen qadka telefoonka.
Labada hoggaamiye waxay sidoo kale hoosta ka xariiqeen muhiimadda iskaashiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub ee horumarinta xasilloonida gobolka, nabadda, iyo barwaaqada, sida ay sheegtay Villa Somalia.
"Waxaan isla garanay baahida loo qabo in laga fogaado xiisadaha gobolka iyadoo lala dagaallamayo argagixisada lana ilaalinayo midnimada Soomaaliya, madaxbannaanideeda iyo midnimadeeda dhuleed" sidaas waxaa barta X kusoo qoray Josep Borrell,





