Islamabad (Dawan)– Soomaaliya iyo Pakistan ayaa Sabtidii ku heshiiyay in la baabi’iyo shuruudaha fiisaha ee baasaboorrada diblomaasiga ah, taas oo ah tallaabo lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah iyo fududeynta howlwadeenada diblomaasiyiinta ee labada dal.
Heshiiskan ayaa lagu saxiixay kulan ka dhacay caasimadda Islamabad, kaas oo dhex maray Madaxweynaha Pakistan, Asif Ali Zardari, iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, Cali Yuusuf.
Madaxweyne Zardari ayaa sheegay in Pakistan ay doonayso inay sii xoojiso xiriirka ay la leedahay dalalka Afrika, gaar ahaan Soomaaliya, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay Afrika ku leedahay siyaasadda caalamiga ah iyo ballanqaadka Islamabad ee iskaashi dhinacyo badan leh.
Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqeynta dhinacyada amniga, cadaaladda iyo fulinta sharciga, iyadoo laga wada hadlay suurtagalnimada heshiisyo la xiriira soo celinta dambiilayaasha , kaalmo sharciyeed oo labada dhinac ah, iyo is dhaafsiga maxaabiista la xukumay.
Labada dhinac ayaa isla qaatay in la dardargeliyo iskaashiga la-dagaallanka dambiyada caalamiga ah, daroogada iyo dambiyada abaabulan, iyadoo xoogga la saarayo wadaagista xogta sirdoonka, tababarka ciidamada, iyo kor u qaadista awoodda hay’adaha amniga.





