Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa 11-kii bishan xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya, Cabdullaahi Bin Saalim, iyagoo si qoto dheer uga wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya labada dal.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqeynta dhinacyada amniga, la dagaallanka kooxda Al-Shabaab, iyo kaalinta dowladda Qatar ee taageerada arrimaha amniga Soomaaliya.
Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay arrimo ay kamid yihiiin horumarka iyo hirgelinta qorshaha isbeddelka Qaranka, kaas oo ujeedkiisu yahay kobcinta dowladnimada iyo horumarinta adeegyada bulshada.



