Muqdisho (Dawan)- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa qaabilay Kuxigeenka Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Iskuduwaha Arrimaha Bani'aadannimada, George Conway.
Wasiirka iyo Kuxigeenka Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa kawada hadlay sare u qaadida iskaashiga, isuduwidda, iyo dadaalka wadajirka ah, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Wasaaradda ayaa intaas ku dartay in kulanka sidoo kale lagu qaadaa-dhigay dadaalka dheeraadka ah ee Guddiyada farsamo ee labada dhinac iyo samaynta istiraatiijiyad dhammaystiran oo hagaysa qorshaha kala guurka ee Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) si loo unko xafiis Qaramada Midoonay ay ku yeelato dalka oo la mid ah kan ka dhisan dalalka kale.
Guddiyada ka wada hadlaya arrintan ayaa looga fadhiyo in ay dejiyaan jadwal UNSOM looga wareejinayo howlaha ay ka fuliso Soomaaliya.



