Muqdisho (Dawan)- Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Taageerada Hawlgalada, Atul Khare, ayaa maanta soo gaaray Muqdisho, halkaas oo uu kulamo kula yeeshay madaxda ATMIS iyo UNSOS si loo xoojiyo qorshaha kala-guurka ATMIS.
Atul Khare ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada, waxaana soo dhaweeyay Madaxa Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), Aisa Kirabo Kacyira, iyo Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Xamsa Aadan Xaadow
Intii uu ku sugnaa Muqdisho, Khare wuxuu la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika iyo Madaxa ATMIS, Souef Mohamed El-Amine, iyo xubno kale oo muhiim ah oo ka tirsan ATMIS iyo UNSOS, oo ay ku jiraan Ku-xigeenka Wakiilka SRCC, Sivuyile Bam, iyo Taliyaha Guud ee ATMIS, Gen. Sam Kavuma.
Kulankan ayaa looga hadlay qorshaha kala-guurka ATMIS iyo sidii mas'uuliyadda amniga loogu wareejin lahaa Ciidamada Amniga Soomaaliyeed (SSF). Sidoo kale, waxaa la falanqeeyay howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee AUSSOM, kaas oo lagu wado inuu bedelo ATMIS sanadka 2025.




