Geneva, Switzerland, 4 Febraayo 2026 (Dawan) — Soomaaliya iyo Ruushka ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi caafimaad oo ujeeddadiisu tahay xoojinta wada-shaqeynta dhinaca caafimaadka, sida ay mas’uuliyiintu ku dhawaaqeen Talaadadi.
Wasiirka Caafimaadka iyo Adeegga Bulshada ee Soomaaliya, Cali Xaaji Aadan Abubakar, iyo Xoghayaha Dowladda ahna Ku-xigeenka Wasiirka Caafimaadka ee Ruushka, Oleg Salagay, ayaa kala saxiixday heshiiskan Is-afgarad ah (MoU) intii uu socday kulan laba geesood ah oo ka dhacay xafiiska joogtada Ruushka ee Qaramada Midoobay ee magaalada Geneva.
Sida ku cad war-saxaafadeed ka soo baxay labada dhinac, heshiiskan ayaa lagu ballaarinayaa iskaashiga ku aaddan: Horumarinta nidaamka daryeelka caafimaadka
Nidaaminta iyo socodsiinta daawooyinka
Tababarka iyo horumarinta xirfadaha shaqaalaha caafimaadka Soomaaliyeed





