Muqdisho (Dawan)- Dowlaadda Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa maanta ka daah furay Magaalada Muqdisho 24 mashaaruuc oo ay baxeyso lacag dhan 45 malyan oo dollaar.
Mashaariicda oo ay xariga ka jareen Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo La-taliyaha Boqorka Sacuudiga, ahna Kormeeraha Guud ee Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Samafalka, Dr Cabdalla Bin Cabdulcasiis Al-Rabiica ayaa isagu jira dhinacyada cuntada, biyaha, waxbarashada iyo caafimaadka, waxaana ka faa'iideysan doona 5, 798, 077 oo qof.
Kormeeraha Guud ee Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Samafalka, Dr Cabdalla Bin Cabdulcasiis Al-Rabiica ayaa yiri, " Waxaan u nimid maalintaan taariikhiga ah inaan xaqiijino in Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka Bani’aadantinimo in ay sii wadi doonto taageerada walaalaheenna Soomaaliya, waxaana daah furnay 24 mashruuc oo ka kooban dhinacyada cuntada, caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha"

Waxa uu intaas ku daray in ay saxiixeen seddex heshiis oo lagu fulinayo tira mashaariic ah iyada oo si buuxda ay ula shaqeyn doonaan hay’adaha ay khusayso ee dawladda Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ah si loo daboolo baahiyaha dadka Soomaaliyeed.
Boqortooyada Sacuudiga ayaa muhiimad gaar ah siisa howlaha samafalka ah si wax loogu qabto dadka ay aafeeyeen masiibooyinka, colaadaha iyo dagaallada.

Ra'iisl Wasaaraha Soomaaliya ayaa ku bogaadiyay Boqortooyada Sacuudi Carabiya sida ay had iyo jeer ugu heelantahay garab istaaga shacabka iyo Dowladda Soomaaliya iyada oo ka taageerta dhinacyo badan sida dib u dhiska Dowladniamda, waxbarashada, caafimaadka iyo dhinaca arrimaha bini aadantinmada.
Xamsa ayaa sheegay in ay Soomaaliya soo martay bilihii lasoo dhaafay masiibooyin kala duwan oo ay sababeen isbeddelada cimilada kuwaas oo dhibaato u geystay dad iyo duunyo, waxa uuna hoosta ka xariiqay in mashaariicda la daah furay ay ka qeyb qaadan doonaan sidii looga soo kaban lahaa dhibaatooyinkaas.








