Belgrade (Dawan)- Dowladaha Soomaaliya iyo Serbia ayaa kala saxiixday heshiis cuusb oo lagu xoojinayo iskaashiga dhinaca amniga, tababarrada, iyo tayeynta ciidanka booliska Soomaaliyeed. Heshiiskan ayaa ka dhacay caasimadda Serbia ee Belgrade kadib kulan rasmi ah oo dhexmaray Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), iyo dhiggiisa Serbia, Ivica Dačić.
Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa sheegay in heshiiskan uu kor u qaadi doono iskaashiga labada dal, isagoo tilmaamay in uu muhiim u yahay horumarinta iyo tayeynta hay’adaha amniga dalka. Wuxuu sidoo kale xusay in xiriirka labada dhinac uu yahay mid qoto dheer oo soo jiray sanado badan, taasoo heshiiskan ka dhigeysa tallaabo cusub oo lagu xoojinayo saaxiibtinimada iyo wada-shaqeynta labada waddan.
“Xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Serbia, waa mid qoto dheer oo soo jiray sanado badan, tallaabada maanta aan ku saxiixnay heshiiskanina waxa ay sii xoojin doontaa taageerada iyo iskaashiga saaxiibtinimo ee ay wadaaggaan labada waddan”. ayuu yiri; Wasiir Fartaag







