Beijing (Dawan)- Danjire Dr. Hodan Cusmaan Cabdi, Danjiraha Soomaaliya ee dhawaan loo magacaabay Shiinaha, ayaa maanta si rasmi ah ugu gudbisay nuqulka Aqoonsiga Danjirenimo Agaasime Ku-Xigeenka Habmaamuuska Qaranka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha, Mudane Li Jinjin. Munaasabaddan, oo ka dhacday xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee magaalada Beijing, ayaa astaan u ah dadaallada cusub oo lagu xoojinayo xiriirka qotodadheer ee taariikhiga ah ee ay wadaagan labada dal.
"Maanta, waxaa sharaf ii ah inaan nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo guddoonsiiyay Ku-xigeenka Agaasimaha Habmaamuuska Wasaaradda arrimaha dibadda ee Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha, mudane Li Jinjin" Danjire Dr. Hodan ayaa intaas kusoo qortay barteeda X
Danjiraha ayaa intii uu socday kulanku si qoto dheer uga hadashay muhiimada mas’uuliyadda matalaadda Soomaaliya, iyadoo carrabka ku adkeysay sida xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Shiinaha loogu adeegsan karo horumarinta danaha labada dhinac. Labada mas’uul ayaa isla qaatay in la xoojiyo qorsheyaasha iskaashiga ee dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga, horumarinta, iyo maalgashiga.



