Muqdisho (Dawan)- Golaha Wasiiradda Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya , ayaa maanta ansixiyey saddex heshiis oo ay wada gaareen Xukuumadaha Soomaaliya iyo Tanzania.
Heshiisyada ay goluhu meel-mariyeen ayaa kala ah, heshiis iskaashi oo u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Tansaaniya, heshiiska wareejinta Maxaabiista Xukuman iyo Heshiiska Iskaashiga Dalxiiska.
Heshiisyadan ayaa qeyb ka ah tillaabooyinka lagu xoojinayo xiriirka iskaashiga iyo wadashqeynta labada dal ee ka wada tirsan Midowaga Afrika iyo ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo ay Soomaaliya ku biirtay dhawaan.



