Muqdisho (Dawan)- Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee dalka Turkiga Alp Arslan Bayraktar ayaa ku dhawaaqay heshiis cusub oo ay kala saxiixdeen Shirkadda Shidaalka ee Turkiga ee “TPAO” iyo Hay'adda Batroolka Soomaaliyeed, kaasi oo ku saabsan sahminta Shidaalka iyo Gaaska laga sameyn doono dhulka Soomaaliya
Sidaas waxaa qortay wakaaladda wararka ee Anadolu oo soo xiganeysa wasiirka.
Arrintan ayaa kusoo beegnatay xilli uu maanta wasiirku uga qaybgalay Muqdisho xaflad soo dhawayn ah oo loo sameeyay markabka baarista shidaalka ee Oruç Reis ee kusoo xirtay dekadda Muqdisho.
Dhanka Soomaaliya kama soo bixin wax war ah oo ku saabsan heshiiska cusub ilaa iya hadda (21:40) xiliiga Soomaaliya.
Wasiirku waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay heshiiska cusub ee ay kala saxiixdeen laba dhinac, isaga oo tilmaamay in heshiisku dhigayo in shidaal baaris ah laga sameyn doono gayiga Soomaaliyeed.





